calendar_todaydevice_thermostatโ€ฆ
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ•-๐ค๐š

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ•-๐ค๐š
๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Œ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ง๐ง๐š๐๐ค๐š ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ•-๐ค๐š โ€” SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa looga hadlay Qoondeynta Miisaaniyadda Sannadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2027, amniga dalka iyo dadaallada ciidamada qalabka sida ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha, ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaaย  lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo gaartay 1,259,238,253 (Hal Bilyan, Laba Boqol, Konton iyo Sagaal Milyan, Laba Boqol, Soddon Siddeed Kun, Laba Boqol , Konton iyo Saddex Doollar).

Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhagaystay Wasaaradda Amniga Gudaha, oo soo bandhigtay guulaha ciidamada qalabka sida ay maalmahan ka gaareen deegaannada ay kula dirirayaan kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah iyo howlgallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa Marwo Shukri Xasan Cusmaan u magacaabay Agaasimaha Hayโ€™adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyay guusha iyo nabad ahย  ee ay kusoo dhammaatay Shaqadii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa ayna bogaadiyeenย  howlihii uu xafiisku ka soo qabtay dalkeenna muddadii uu ku jiray kala guurka iyo dib-u-soo kabashada Qaranka ilaa uu dalku gaaray isku-filnaansho iyo dib-u-hanasho buuxda.

La wadaag