Wararka
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo la kulmay dhiggiisa Dalka Aljeeriya
Guddoomiyaha golaha dhaqaalaha Soomaaliya oo booqasho shaqo ku jooga dalka Aljeeriya
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Xooshoow,ahna la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiya Golaha Qaranka Dhaqaalaha ee Dalka Aljeeriya Prof. Mohamed Boukhari .
Kulanka dhinacyadaasi oo ka dhacay caasimadda Aljeris ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dalka iyo sii ambaqaadidda barnaamjyada kutalagal ee u qorsheysan Soomaalia iyo Aljeeriya.
Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la kala saxiixday heshiis iskaashi oo ay ku jiraan isdhaafsiga khibradaha,cilmi baarisyada iyo abuuridda fursado shaqo iyo kuwo maalgashi.
Kulankaasi u qabsoomay guddoomiyaasha golaha dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Aljeriya waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya e Dalka Aljeeriya Yuusuf Axmed Xasan.


