Wararka
Kulan diimeed looga hadlay xaaladda dadka Soomaalida oo lagu qabtay Mareykanka
Xayeysiis
Xubnaha Jimciyadda Islaamiga ah ee Waqooyiga Ameerika ayaa Magaalada Minneapolis ku soo gabagabeeyay Shirweynaha 25-aad ee u qabsoomay culuma’udiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka.
Kulan diimeedkaasi waxaa ka qeybgaleen mashaa’iikh ka kala socday masaajidyada iyo mac-hadyada kale ee lagu barto diinta islaamka iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada ee qurbojoogta Soomaalida.
Kulankaasi waxaa mudadii uu socday looga hadlay Xal u helidda dhibaatooyinka heysta jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Mareykanka iyo guud ahaan sida looga qeybqaadan karo horumarinta Dalka Soomaaliya.
Kulanka shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda bulshada,isla markaana looga shaqeyn lahaa difaaca dalka.
Sidoo kale,kulankaasi waxaa uu soo gudbiyay baaq ku aadan in dadka Soomaaliyeed ay u howlgalaan xoojinta midnimadooda .
Xubnihii ka hadlay shirweynahaan waxaa kamid ahaa Dr Sheekh C.Raxmaan Sheekh Cumar.
