calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kukan la qaatay dhaxal sugaha dalka Kuwait

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kukan la qaatay dhaxal sugaha dalka Kuwait
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kukan la qaatay dhaxal sugaha dalka Kuwait — SONNA

New York (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo danaha labada shacab, xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda uu xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.

La wadaag