Gudaha
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo daahfuray nidaam casri ah oo ku saabsan adeegyada amniga gaarka ah

Xayeysiis
Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda daahfurka nidaam casri ah oo loogu talagalay diiwaangelinta, maareynta iyo tababarka shirkadaha iyo ilaallada bixiya adeegyada amniga gaarka ah.
Nidaamkan ayaa diiradda saaraya saddex tiir oo muhiim ah diiwaangelinta iyo maareynta shirkadaha amniga gaarka ah, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha ilaallada iyo horumarinta tayada iyo xirfadda adeegyada amniga gaarka ah.
Daahfurka nidaamkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu casriyeynayo hab-maamulka shirkadaha amniga gaarka ah, kor loogu qaadayo tayada adeeg-bixintooda, laguna xoojinayo nidaamka diiwaangelinta, kormeerka iyo isla-xisaabtanka.











