calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Hindiya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Hindiya
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Hindiya — SONNA

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda Hindiya, oo ay hoggaaminaysay Marwo Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada iyo Muwaadiniinta Hindiya ee Dibadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo laga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo dhinacyada ay Soomaaliya iyo Hindiya iska kaashan karaan, waxeyna wadahadalladu ku soo dhammaadeen jawi wanaagsan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

La wadaag