calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Dhaqanka

Madaxda Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyeysay geerida Maryan Cali Aayad

Madaxda Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyeysay geerida Maryan Cali Aayad
Madaxda Wasaaradda warfaafinta XFS oo ka tacsiyeysay geerida Maryan Cali Aayad — SONNA
Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Warfaafinta XFS Senator Cusmaan Abokar Dubbe, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-caddaala ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh eek u timid AUN Maama, Maryan Cali Aayad oo manta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa tacsi taa la mid ah diraya Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta , Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, madaxqeybeedka iyo guud ahaan Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta waxay tacsi u dirayaan ehelka iyo asxaabta Alle ha u naxariistee Maamo, Maryam Cali Aayad oo ka mid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. Maryan Cali ayaa ka tirsanayd Waaxda Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed muddo dheer, iyadoo saakay ku geeriyootay magaaladda Muqdisho. Rabbi jannadii fardowsa aheyd ha ka waraabiyo, dhamaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtay Samir iyo iimaan Rabbi ka siiyo, aamiin.
La wadaag