calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha ee Sheekh Cusmaan Xiddig

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha ee Sheekh Cusmaan Xiddig
Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha ee Sheekh Cusmaan Xiddig — SONNA

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Dugsiga Sheekh Cismaan Xiddig ee degmada Gubadley, oo ah Dugsi Hoose iyo Dhexe oo gaar u ah gabdhaha.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in hirgelinta Dugsigaan ay ka tarjumayso dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashada, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gabdhaha Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho oo tayo leh, ammaan ah, isla markaana gaarsiiya heerarka sare ee waxbarashada.

Duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Muungaab, ayaa ugu baaqay waalidiinta ku nool degmada Gubadley iyo nawaaxigeeda in carruurta ay geeyaan goobaha waxbarashada si ay usoo baxaan arday tayo leh maadaama ay dowladda waxbarashada ka dhigtay lacag la’aan si loo dhiso mustaqbalka Carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Guddoomiyaha Maamulka Degmada Gubadley iyo mas’uuliyiin kale.

La wadaag