Wararka
Wasiirka howlaha guud oo qaabilay maalgashadayaal ka kala socda dalalka Turkey, Jabuuti iyo Suudaan
Ganacsatada ayaa danaynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Xildhibaan Ayuub Yuusuf , ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka kooban ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday dalalka Turkey, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaas oo danaynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca guriyeynta iyo dhismaha guryaha qiimaha jaban.
Wasiir Ayuub ayaa maalgashadayaasha uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, isagoo caddeeyay in Wasaaraddu dhiirrigelinayso maalgashiga lagu dhisayo guryo qiimo jaban oo ay awoodaan inay iibsadaan qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay diyaar u tahay inay fududeyso shuruucda, habraacyada iyo adeegyada lagama maarmaanka ah ee u sahli kara maalgashadayaasha inay si hufan uga hawlgalaan Soomaaliya, isla markaana ay maalgelin ku sameeyaan mashaariicda dhismaha iyo guriyeynta.
Dhankooda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayaa sheegay in booqashadooda Soomaaliya ay ku salaysan tahay qiimeynta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan mashaariicda lagu dhisayo guryo qiimo jaban kuwaas oo iskugu jira isbitaallo, iskuulo, guryo iyo mashaariic kale oo horumarineed.







