Maqaallada
Soomaali, Qaxooti ah, Muslim Xijaaban oo ku biirtay Barlamaanka Ingriiska (WARBIXIN)
Musharraxa Xisbiga Labour-ka, Sagal Abdi-Wali, ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski, oo hoggaamiya Xisbiga Green Party, uu helay 8,928 cod. Tartanka ayaa inta badan u dhexeeyay labada musharrax, iyadoo Xisbiga Green Party uu doonayay inuu kursiga kula tartamo Labour, oo muddo dheer deegaankaas ku lahaa taageero xooggan.

Sagal Abdi-Wali, ayaa ku guuleysatay kursiga Baarlamaanka Ingiriiska ee uu banneeyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer. Xisbiga Labour ee dalka Britain ayaa ku guuleystay doorasho ku-meel-gaar ah oo ka dhacday deegaanka Holborn and St Pancras, taas oo loo arkayay tartan muhiim u ah xisbiyada garabka bidix ee siyaasadda dalkaas.
Doorashadan ayaa timid kadib markii Ra’iisul wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer, uu bishii Sebtembar iska casilay kursigii baarlamaanka ee deegaankaas.
Musharraxa Labour, Sagal Abdi-Wali, ayaa heshay 12,292 cod, halka Zack Polanski, oo hoggaamiya Xisbiga Green Party, uu helay 8,928 cod. Tartanka ayaa inta badan u dhexeeyay labada musharrax, iyadoo Xisbiga Green Party uu doonayay inuu kursiga kula tartamo Labour, oo muddo dheer deegaankaas ku lahaa taageero xooggan.
Ka-qaybgalka doorashada ayaa ahaa 38.7%, waana heerkii ugu hooseeyay ee doorasho ku-meel-gaar ah oo England ka dhacda muddada Baarlamaanka hadda jira. Tirada dadka codeeyay ayaa sidoo kale hoos uga dhacday doorashadii 2024-kii, iyadoo farqigu ahaa 15.4 dhibcood boqolkiiba.
Xisbiga Green Party ayaa qirtay guuldarrada wax yar ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin natiijada. Afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay in tartanka ay Labour kula galeen deegaan ay si weyn ugu xooggan tahay uu muujinayo horumarka uu Green Party sameeyay.
Natiijada doorashadan ayaa muujinaysa sida ay xisbiyada garabka bidix ugu loollamayaan taageerada codbixiyeyaasha Britain, waxaana guushan muhiim ka dhigaya iyo mid taariikhi marka laga soo tago inay gabadhu tahay Soomaali iyo qofkii u horrreeyay oo ka tirsan bulshada Soomaalida Ingiriiska oo ka mid noqda Baarlamaanka Britain , waa inay si weyn uga guuleysatay musharrixiintii la tartamayay, waxay heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45% codadka la dhiibtay, halka musharraxa kaalinta labaad soo galay Zack Polanski oo ah hoggaamiyaha xisbiga Green Party uu helay 8,928 cod.
Kursigan waxaa kaloo ku tartamay musharraxa xisbiga Conservative-ka oo galay kaalinta seddexaad, waxaana ku xigay xisbiga Reform iyo xisbiga Liberal Democrats.
Sagal oo noqonaysa xildhibaan matasha deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London, isla markaana guusheeda siinaysa xisbiga ay ka tirsan tahay ee Labour-ka inuu sii haysto kursigan,waxay tiri: “Guushani macne gaar ah ayay ii leedahay. Waxaan matali doonaa deegaanka hoyga ii noqday aniga iyo qoyskaygaba, islamarkaana I siisay fursado, isla markaana door weyn ka qaadatay Qofka aan maanta ahay.” Waxaa kaloo ay tiri; “Waxaan doonayaa in guushani ay dadka oo dhan, gaar ahaan dhallinyarada, tusto inaysan khasab ahayn inay rajo beelaan, si ay guul u gaaraan.”
Sagal waxay sidoo kale muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee deegaanka Holborn and St Pancras u matasha Baarlamaanka Britain. Hadalkeeda waxaa sacab iyo farxad ku muujiyay taageerayaasheeda oo goobta lagu tirinayay codadka ku sugnaa. Gabagabadii khudbadda, Sagal waxay sheegtay in dadku u baahan yihiin inay aaminaan in siyaasadda lagu horumarin karo noloshooda.
“Waxaan u hambalyeynayaa Sagal Abdiwali oo ku Guuleysatay Kursiga Baarlamaanka UK (house of Commons), iyadoo kursigan uu horey ugu fadhiyey Ra'isulwasaarihii hore ee dalka Ingiriiska.
Guusha Sagal waa guul u soo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna Soomaalida Ingiriiska, iyada oo noqoneysa Gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee gasha Baarlamaanka UK .
Tani waxa ay ka turjumeysaa kartida Haweenka Soomaaliyeed oo iyagu meel walba uga soo muuqda, waxaan u rajeynayaa Guullo badan insha Allah”, sidaasina waxaa Bartiida Bulshada ku qortay mudane Khadiijo Maxamed Al-Makhsumi Wasiirka Wasaradda Qoyska iyo Xuquuqul-insaanka.
Haddaba Maanta seddexdaan Gabdhood ee Soomaaliyeed ayey caalamku hadal hayaan, iyagoo wacdaro ka dhigey wadamada ay ka tartameen.

Gabdhaha Soomaaliyeed oo hoggaanka dunida noqday.
Ilhan Omar - Xildhibaanad katirsan Congress-ka Dal weynaha Maraykanka.
Sagal Abdiweli - Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka UK.
Maryan Cabdi Xuseen - Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Norwey 🇳🇴.
Layla Cali Cilmi - Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Sweden.
Nadia Mohamed - Duqa magaalada St. Louis Park, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Saynab Maxamed - Senator katirsan gobolka Minnesota.
Xamdi Maxamed - Xubin katirsan Guddiga Dekedaha iyo Garoomada ee gobolka Washington ee dalka Maraykanka.
Deeqa Dhalac - 2021 kii waxay dhigtay Taariikh kadib markii ay noqotay Afrikaankii ugu horreeyey ee Mayor kanoqda degmada South Portland- Gobolka Main ee dalka Maraykanka.
Aamina Maxamed - 2013 ilaa 2018 waxay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.




