Wararka
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u joogo ka qeyb galka Shirweynaha Caalamiga ah ee Caddaaladda, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Wasiirka Cadaaladda dalka Turkiga, Mudane Akın Gürlek,
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka, dembi-baarista, horumarinta waxbarashada sharciga, casriyeynta nidaamyada caddaaladda iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda, iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha bahda caddaaladda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, si loo horumariyo adeegyada caddaaladda, kor loogu qaado tayada hay’adaha garsoorka, loona xoojiyo is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta ee labada dal.



