Wararka
Taliyaha XDS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara
Booqashadan ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka Türkiye.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayo, ayaaTaliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Ankara.
Taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Türkiye, Danjire Fathudiin Cali Maxamed iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca..
Taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo waxaa Safaaradda ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Türkiye, Danjire Fathudiin Cali Maxamed iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah hawlaha iyo kulamada wafdiga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ka wado dalka Türkiye, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xiriira xoojinta xiriirka iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.



