Gudaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay magaalada Tripoli

Tripoli,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kaga qayb galay kalfadhiga 22-aad ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxil iyo Saxaraha (CEN-SAD), Kalfadhigan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-howlgelinta iyo xoojinta Ururka CEN-SAD, iyadoo madaxda iyo wakiillada ka qaybgalay ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka iyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah ururka.
Ajandaha kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka gobolka, nabadda iyo amniga, caafimaadka iyo dhaqanka, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta xiriirka iyo wada shaqaynta dalalka Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka, gaar ahaan horumarinta xiriirka wada shaqayneed ee u dhexeeya Geeska Afrika, gobolka Saaxil iyo Waqooyiga Afrika.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee kalfadhigan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ee lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah, iskaashiga Afrika iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo kobaca dhaqaalaha qaaradda.







