Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Shirweynaha Warbaahinta Adduunka kaga hadlay mustaqbalka warbaahinta xilliga garaad gacmeydka (AI)

Beijing,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha toddobaad ee Warbaahinta Adduunka oo ka socda Beijing. Shirkan ayaa diiradda saaraya saameynta garaadka macmalka ah ( AI) ku leeyahay warbaahinta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah si horumarka tiknoolajiyaddu u taageero xog sugan iyo kor u qaadista kalsoonida bulshada.
Wasiirka ayaa ku baaqay in is-afgaradka shirka loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo xirfadaha suxufiyiinta, lagu ballaarinayo helitaanka tiknoolajiyadda, laguna ilaalinayo anshaxa saxaafadda. Waxa uu adkeeyey in saxnaanta wararka iyo masuuliyadda tifaftirku udub-dhexaad u ahaadaan isbeddelka casriyaynta Warbaahinta.
“Tiknoolajiyaddu way sii isbeddelaysaa si xowli ah Waajibaadka naga saaran dadweynuhuse wuu sii jiri doonaa, waa in aan ka faa'iidaysanaa fursadaha ka dhasha, kana hortagnaa caqabadana iman kara " ayuu yiri Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud.
Isagoo ka hadlayey warbaahinta Soomaaliya, Wasiirku wuxuu xoogga saaray kobcinta aqoonta suxufiyiinta, casriyeynta adeegyada warbaahinta iyo muhiimada ay leedahay horumarinta agab warbaahinta . Waxa uu caddeeyey in Soomaaliya diyaar u tahay iskaashi ku dhisan wadaagga aqoonta, xaqiijinta xogta iyo mashaariic leh natiijooyin la cabbiri karo.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha, Wakaaladda Wararka Xinhua iyo Xoghaynta Shirweynaha qabanqaabada madashan. Waxaana shirka ku wehliya Agaasimayaasha Telefishinka Qaranka, Maxamerkafi Sh Abukar Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ismail Mukhtaat Cumar iyo Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Cabdishakuur Ali Ahmed.









