Wararka
Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka

Xayeysiis
Montreal(SONNA):-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka (ATCONF(7) iyo kulanka 43-aad ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).
Intii uu shirka socday, Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Xoghayaha Guud ee ICAO iyo madaxda sare ee hay’adda, iyagoo ka wada hadlay xoojinta matalaadda Soomaaliya, diyaar-garowga kormeerka badqabka duulista, tababarka shaqaalaha iyo horumarinta adeegyada hagista hawada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada farsamo ee lagu dhammaystirayo rakibidda qalabka muhiimka ah ee adeegyada hagista hawada ee magaalada.Baydhabo.







