Gudaha
Agaasimaha Hay'adda NISA oo safar shaqo ku gaaray degmada Balanbale

Balanbale, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo safar ku maraya degmooyinka Galmudug ayaa gaaray degmada Balanballe oo si weyn loogu soo dhaweeyey.
Agaasimaaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada ku soo dhoweeyay maamulka Balanbale, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug.
Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro uu Agaasimaha Hay'addda NISA Mahad Maxamed Salaad ku marayay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan waqooyiga Galgaduud, waxaana la filayaa inta uu joogo balanbale inuu kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada si xal waara looga gaaro khilaafyada qabaa'il ee ku soo noq-noqday degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.
La wadaag



