Gudaha
Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Hay'adda SoDMA

Baydhabo,(SONNA)Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayey oo ay kamid yihiin Wasiirrada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad-Goboleedyada Dalka oo maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, gaar ahaan arrimaha gargaarka bani’aadannimo, ka hortagga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka dabiiciga ah, iyo sidii loo dardargelin lahaa gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee bani’aadannimo.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Wasiirrada booqashadooda Baydhabo, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku aaddan xoojinta awoodda maareynta masiibooyinka iyo gaarsiinta adeegyada gargaarka shacabka Soomaaliyeed.
Wafdiga ayaa bogaadiyey dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan xoojinta isku-duwidda arrimaha gargaarka iyo u adeegidda bulshada nugul, iyagoo adkeeyey muhiimadda iskaashi joogto ah oo lagu xallinayo caqabadaha bani’aadannimo ee ka jira dalka.












