Wararka
Ciidanka Shabeellaha Hoose oo gacanta ku dhigay nuucyo kamid ah maandooriyaasha
Ciidamada Dowlad Goboleedka K/Galbeed ee ka howlgala Degmada Wanla Weyn ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabqabtay Xashiish,khamri iyo maandooriyaal kale oo si dhuumaaleysi ah lagu soo galiyay degmadaasi.
Howlgalkaan ayaa la xiriiray xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka waxyaabaha maandooriyaasha ah,kuwaas oo la tilmaamay in ay door ku yeelan karaan xasilooni la’aanta.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Wanla Weyn Ismaaciil Rooble Cali iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska C/Risaaq Barre Maxamed oo ka hadlay howlgalkaasi ayaa sheegay in ay tallaabbo ka qaadi doonaan kooxaha ka ganacsada maandooriyaasha.
Mas’uuliyiintaanwaxa ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii wax loogaqaban lahaa maandooriyaasha iyo kooxaha burcadka ah ee ka ganacsada.
