Wararka
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Mukhtaar Maxamed Xasan
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud,ataa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Mukhtaar Maxamed Xasan oo muddo ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.
Sidoo kale tacsi taa lamid ah waxaa diraya Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismail Mukhtaar Cumar Agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
Wasiir Cabdulfitaax Qaasim iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda waxa ay marxuumka Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tagay,isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyay Cabdisalaan Mukhtaar Maxamed iyo Axmed Mukhtaar Maxamed.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
